Kulankan oo uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya wasaarada waxbarashada JDFI ayaa waxaa loo qaybtay xubno ka socday xafiisyada iyo ha’yadaha ay bah-wadaagta yihiin xafiiska waxbarashada , madax xafiiseedyada waxbarashada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka , jaamacada jigjiga, odayaal dhaqameedka deegaanka, qaarka mid ah culimo awdiinka deegaanka iyo marti sharaf kale.
Waxaana furitaankii kulankan wadatashiga ah furay wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay kulankan wadatashiga ee kor loogu qaadayo taaba galinta tiirka waxbarashada reer guuraaga gaar ahaan hirgalinta qorshaha tayaynta waxbarashada reer-guuraaga gaar ahaan in fasalada waxbarashada reer guuraaga oo markii hore ahayd 1aad ilaa 4aad in laga dhigo 1aad ilaa 6aad iyo hirgalinta iskuulka wareega ee loogu talagalay bulshada reer guuraaga ah ee oo la gaynayo hadba goobta ay dagan yihiin Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in si kor loogu qaado heer daboolka tayada waxbarashad uu waxbarashada deegaanka dadaal xoogan galiyay sidii loogu midho dhalin lahaa siyaasada waxbarashada deegaanka iyada oo xooga la saarayo tayaynta waxbarashada reer guuraaga ah maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay reer-guuraa. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in kulan lagaga hadlayo sidii ay xafiiska waxbarashada DDSI iyo bah-wadaagtiisu iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta tayada waxbarashada reer-guuraaga deegaanka
Ugu dambayntii kulan wadatashiga kor u qaadista tiirka waxbarashada reer-guuraaga DDSI oo socondoona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu qorfayn-doonaa tabaha iyo xeeladaha lagu hirgalinayo qorshaha ka midho dhalinta qorshahaasi.
Comments are closed