Madaxweyne Waare : Deegaannada Hirshabeelle waxaa saaran culeys uga imanaya Al-shabaab

Hirshabeelle (estvlive) 28/12/2017

Madaxweynaha maamulka gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay khudbad ka horjeedinayay xildhibaannada Baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Hirshabeelle wajaheyso sida uu hadalka u dhigay coleys uga imanay Al-shabaab.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in deegaannada uu ka arimiyo maamulka ay soo gaareen sida uu hadalka u dhigay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka soo firxanaya duqeymaha cirka Mareykanka ee gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Laakiin waxaa uu intaa raaciyay sida ay xogta ku hayaan in xoogagga Al-shabaab ee xiligan ku sugan Hirshabeelle isku diyaarinayaan in ay uga sii gudbaan dhinaca Puntland oo ay ku wajahan yihiin.

‘’Sida aan xogta ku heyno dagaalamayaasha Al-shabaab ee halka ku sugan waxaa ay ku sii socdaan deegaannada Puntland’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka HIrshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Maamul ahaan ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in ciidamada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

Comments are closed