Guddiga Fulinta EPRDF oo maanta Soo gabagabeeyay kulankii Socday 18-maalmood
Addis Ababa (estvlive) 29/12/2017
Guddiga Fulinta ee EPRDF ayaa maanta soo gabogabeeyey kulankoodii 18-kii maalmood ee ugu dambeeyay socday guddiga ayaa la filayaa inuu soo saaro bayaan ku saabsan go’aamada la qaatay kulanka Maalinta berri ah.
Abadula Gemeda iyo Bereket Simon, oo hore u soo gudbiyay waraaqo istiqaalad ah, waxeyna go’aansadeen in ay ku laabtaan jagooyinkoodii hore,
Dhamaan siyaasiyiinta dalka Itoobiya ayaa waxey aad uga warsugayaan go’aamada Xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ee EPRDF Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa diiradda saaraya masuulayiin sare ee deegaanka Oromiya ku lug leh shacabkii deegaanka Somalida Itoobiya ee lagu xasuuqay deegaanka Oromiya in Xisbiga EPRDF si cad talaabooyin sharciga ah ku qaadi doono
Comments are closed