Nuxurka Kasoo Baxay Shirkii 18ka Cisho Usocday Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF

Jigjiga (estvlive) 31/10/2017

Shirkii qiimaynta ahaa ee usocday ururada kubahoobay xisbiga EPRDF 18kii maalmood ee lasoo dhaafay oo lagu qiimaynayay xaalada guud ee dalka gaar ahaan jihooyinka waxqabadka horumarineed, nabadgelyo iyo kuwa maamulka suuban si gaar ahna diirada loogu saarayay xalinta dhibaatooyinkii kadhacay dalka sanadihii udanbeeyay ayaa wuxuu xisbigu ugu horayn islaqaatay inuu wadanku kutalaabsaday horumar xawli ah dhinacyada kor-uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha, nabad kuwada noolaansha qowmiyadaha iyo shucuubaha dalka iyo hirgalinta nidaamka maamulka suuban.

Waxaa kale oo uu xisbigu islaqaatay inay iyana dhanka kale ay jireen dhibaatooyin lidi ku ah horumarka iyo nabadgelyada baaxada leh ee uu dalku kutalaabsaday laga soo bilaabo 2007TI oo keensaday khasaare naf iyo maalba leh gaar ahaan: nabadgelyo-daro, qalalaaso siyaasadeed, burbur dhaqaale, is-aamin-daro kadhex dhalatay qowmiyadaha dalka oo keentay xasuuq, dhac iyo barakac intaba.

Hadaba, hadaan soo qaadano nuxurka go’aamada kasoo baxay qiimaynta sal iyo baar ay iskuqiimeeyeen ururada kubahoobay xisbiga EPRDF maadaama uu qoraalka go’aanku dheer yahayna aan dib idiinka soo tabin doono isagoo dhamaystiran waa kuwan qaar kamid ah nuxurka go’aamadii kasoo baxay qiimaynta

  1. Waxay qiimayntu dusha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay gudiga fulinta gaar ahaan hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF maadaama oo xiligii dhibaatooyinku dhacayeen aysan daraasaad kusamaynin markay dhacdayna aysan xal kakeenin.
  2. Wuxuu xisbigu sidoo kale cadeeyay inay xisbiga EPRDF kadhex dhalatay koox bilaa hogaamin ah oo kumidawday danaysi iyo aragti xumo kadhan ah jihooyinka ay EPRDF kumidawday
  3. Waxay hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF gaar ahaan gudiga fulintu ay qaadatay dhaliisha dhamaan dhibaatooyinkii dhacay islamarkaana ay raalin galin kawaydiisteen guud ahaan shacabwaynaha dalka, xubnaha EPRDF iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF
  4. Wuxuu xisbiga EPRDF balanqaaday in dhamaan khaladaadkii dhacay ay saxayaan oo ay sugayaan saraynta sharciga, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.
  5. Waxaa kale oo uu xisbigu go’aamiyay in ururada katirsan xisbiga EPRDF ay si gooni ah isugu qiimeeyaan dhibaatooyinka maamul xumo ee laqiimeeyay cidii kulug-lahaydna talaabo laga qaado
  6. Wuxuu xisbigu ku amaanay ciidamada difaaca qaranka shaqooyinka muhiimka ah ee ay kaqabteen dhibaatooyinkii dhacay isagoo bogaadin usoo jeediyay
  7. In dhibaatooyinkii kajiray dhanka xadka ee gaar ahaan soomaalida iyo oromada oo qayb ka ahaa xumadii siyaasadeed ee guud ahaan kajirtay dalka xal waara laga gaadho.

Iskusoo wada duuboo, waxaa wax lagu farxo ah in ururka EPRDF oo lagu yiqiinay islahalgan iyo isasixitaan uu soo saaro khaladaadku meeshu kajiray oo uu iskula halgamay isuna saxay islamarkaana lagu soo noqday jihooyinkii EPRDF lagu yaqaanay.

Ugudanbayna, XDSHSI oo bahwadaag la ah xisbiga EPRDF ayaa soo dhaweeyay islamarkaana bogaadiyay qiimaynta xisbiga EPRDF iyo awaamirtii kasoo baxday.

Comments are closed