Muqdisho (estvlive) 01/01/2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay la soo wareegaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheyn lahaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirata.
Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.
Ugu danbeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay iney bilaabi doonaan nidaamka caro saarka ee Dekadda.
Qalabkaan casriga ah ee maanta la daah furay ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Badda Soomaaliya.
Comments are closed