Muqdisho (estvlive) 01/01/2018
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay dowladdu ka jawaabi doonto.
Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.
Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.
Mas’uuliyiintii booqatay guriga Senator -ka kaddib markii uu weerarka dhacay waxaa ka mid ahaa Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo arkay khasaaraha la gaarsiiyay guriga, waxaana uu guddoomiyuhu ku tilmaamay falkaas in uu ahaa mid laga xumaado oo aan la aqbali karin.
Comments are closed