Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ka soo jeeda Somaaliland ee doonaya in ay soo galaan Puntland waddadu u furan tahay, kuwa hadda jooga Puntland ee ka soo jeeda Soomaaliland-na wax dhibaato ah la kulmi doonin.
‘’Cid kasta oo ka imaneysa Somaliland waddadu wey u furan tahay, dadka hadda ku sugan Puntland ee ka soo jeeda Soomaaliland iyaguna waa joogi karaan oo Soomaalinimo ayaa loo ogol yahay, laakiin xaalado ayaa jira, inta xaaladahaa taagan yihiin yihiin waddadu wey xiran tahay ilaa amar danbe ayuu yiri’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Sababta loo xiray isku socodka dadka iyo gadiidka deegaannada Puntland iyo Soomaaliland ayuu ku micneeyay guddoomiyaha xiisasdaha colaadeed ee soo cusboonaaday, isaga oo sheegay in ay ka foojigan yihiin in dad rayid ah la wax yeelleeyo.
Dad badan ayaa qaba in xiisadan ay ka dhalatay socodaalkii uu dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka uu ku tagay degaanno ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasoo sababtay in shalay labada maamul uu dagaal ku dhexmaro degaanka Tukaraq.
Comments are closed