Shirwaynihii 7aad Ee Xisbiga TPLF Oo Si Rasmi ah Uga furmay Magaalada Maqale

Maqale (estvive) 11/01/2018

Waxaa si rasmi ah xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale uga furmay shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF ee deegaanka tigray oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2,500 oo xubnood oo kakala socda 4ta xisbi ee kumidoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah islamarkaana lagu martiqaaday hogaaminta sare ee xisbiyada EPRDF kubahoobay iyo xisbiyada bahwadaagta la ahba.

Hadaba wafti balaadhan oo kakooban 25 xubnood oo ay hogaaminayaan gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu kuweheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka Iyo Dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa uga qaybgalay XDSHSI shirwaynahan 7aad ee xisbiga TPLF. Waxaana xusid mudan inuu XDSHSI uu shirwayne balaadhan oo lamid ah shirwaynahan xisbiga TPLF uu 7aadkan soo socda kuqabanayo degmada raaso ee gobolka afdheer ee DDSI.

Ugudanbayna, ujeedada shirarkan balaadhan ayaa ah kuwo lagu dhaadhicinayo qiimayntii qotoda dheerayd ee ay galeen xisbiyada kumidoobay xisbiga EPRDF islamarkaana kor loogu qaadayo geedi-socodyada horumarineed, nabadgelyo iyo nidaamka maamulka suuban ee dhamaan xisbiyada dalka si uu dalku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay

Comments are closed