Shirka Qurba joogta DDSI ee Maalgashiga Wadatshiga oo Minnesota ka dhacay (Sawiro Warbixin)

Minnesota (estvlive) 13/01/2018

Waxaa xaleyto Goboka Minnesota lagu qabtay shirweynaha wada-tashiga qurbajoogta DDSi ee waqooyiga America ku dhaqan iyo xukuumadda DDSI waxaana ka soo qeybgalay dhamaan qurbajogta ku dhaqan waqooyiga America iyo bulshada qeybaheeda kala duwan iyo odayaasha dhaqanka DDSI iyo Hogaaminta sare ee Jaaliyadda DDSI waxaa kaloo halkaasi siweyn uga dhax muuqday Fanaaniinta DDSi iyo fanaaniin kale waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen hormarka dawlad deegaanka uu waqtigan xaadirka ah uu gaaray iyo halka uu hiigsanayo.

Waxaana Shirkan ka soo qaybgalay Safiirka Itoobiya u fadhiya Maraykanka Ambassador Kassa Tekleberhan, wasiirka wasiirarada Xanaanada xoolaha iyo Horumarinta Reer Guuraaga Marwo Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga xarunta dhaxe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdi mahad Cabaase, Maareyaha guud ee machadka cilmibaadhiskaDDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, lataliyaha xafiiska gacansiga gaadiiska warshadaha DDSi Mudane Abdi Khaliif Dhoombe,

Ugu horeyn waxaa Shirkaasi daahfuray Safiirka Itoobiya u fadhiya Maraykanka Ambassador Kassa Tekleberhan, oo khudbad dheer kulanka ka jeediyey ayaa ka waramay awooda qurbo joogta ee  ku aadan maalgashiga dalka Itoobiya waxuuna xusay in fursadaha yaala Maraykanka iyo dunida kaleba in looga faaiidayo dalka Itoobiya, waxuuna safiirku carabka ku dhiftay dhawr mashruuc oo looga faaiidayn karo dalka Itoobiya. taaso qurbajoogta ay tahay in ay ka faa’ideystaan ay tahay. 

Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo warbahinta DDSI u sheegay in war murdiyeed ka soo baxay gabagabadii shirkaan laysku af gartay in sanad walba mar la qabto kulankaan oo kale, waxaa kaloo Guuleed sheegay in loo baahan yahay in xiligaan si wadajira loogu soo jeesto sidii horemarin dhaqaale loogu abuurahii lahaa dalkeenii. iyo deegaan keena DDSI.

 

Comments are closed