Qurbajoogtan ayaa waxaaa garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Xafiiska Cadaalada Mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad, Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabashooyinka DDSI Ahna Wasiirka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe Iyo Waliba Masuuliyiin Kale Oo Heer Deegaan Ah.
Hadaba, soo dhawyn kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay mudane faarax xuseen fure iyo waliba xubnihii qurba joogta ahaa ee wahelinayay iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhawyntan qiimaha badan ee lagu soo dhaeeyay magaalada jigjiga. Waxayana xuseen in aad ugu faraxsanyihiin imaanshaha ay yimaadeen ciidooda hooyo islamarkaana ay u mahadcelinayaan masuuliyiintan sida quruxdabadan u soo dhawaysay.
Dhankooda, masuuliyintii heer deegaan aybogaadiyay imaanshaha qurbajoogtan ay soo dhaweeyeen. waxayna tilmaameen in mudane faarax xuseen oo horkacayay qurbajoogtan lasoo dhaweeyay uu yahay wadani qaali ah oo u dhashay DDSI islamarkaana ah xubin kamid ah hogaaminta sare ee jaaliyada North America.
Iskusoowada duuboo, imaanshaha qurbajoogta iyo booqashadooda ay ku imanayaan DDSI ayaa ah mid aad ubadan, kadib markii deegaanku noqday mid ay kataabagashay Horumar Nabadgalyo Iyo Maamul Suuban.
Comments are closed