Kulan Lagaga Wada Hadlayo Barakacayaasha Labada Deegaan Oo Ka Furmay Xarunta Dalka

Addis Ababa (estvlive) 29/01/2018

Waxaa saaka ka bilawaday xarunta dalka ee magaalada addis-ababa kulan lagaga wada hadlayay sidii dibu dajin waarta loogu samayn lahaa barakacayaasha labada deegaan ee soomaalida iyo oromada.

Hadaba kulankan oo ay  hogaaminayeen raisal wasaare kuxigeenka JDFI mudane Demeke Mokanen, Komushineerka komishinka maaraaynta khataraha  masiibooyinka qaranka mudane Mutuku Kaasa wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta xoola dhaqatada mudane Kabade Jaane  iyo wasiir kuxigeenka  wasaarada caafimaadka JDFI ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwaynayaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha oromada mudane Lemma Megersa iyo mas’uuliyiin wehelinaysay. Waxayna kawada hadleen sidii dibu dajin waarta loogu samayn lahaa barakacayaasha labada deegaan islamarkaana loo dadajin lahaa nidaamka dajintooda.

Ugudanbayna kulankan  oo lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa la isla qaatay dhibaatooyinkii ka jiray labada dhinac ee soomaalida iyo oromada in xalwaara looga gudbayo

Comments are closed