Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Shuun Sugule oo sheegay in shirkani yahay shir lagu qiimaynayo waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo muumulka suuban kaasoo si wayn la isugu qiimayn doono hirgalinta qorshayaashii u yiilay xafiisyada horumarka. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkan lagu eegi doono Hirgalinta iyio kamidho dhalinta qorshaha BBC ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad.
Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa waxaa lafilayaa inuu sii socdo maalmaha soosocda kaasoo degmo kasta ay soojeedinayso warbixinteedii waxqabadka 6dii bilood ee u danbaysay ee dhamaan qorshayaashii u yiilay degmo kasta.
Comments are closed