WAR FARXAD LEH WADAHADALADII ONLF IYO ETHIOPIA OO GUUL KUSOO DHAMAADAY.

Nairobi (estvlive) 13/02/2018

WAR FARXAD LEH WADAHADALADII ONLF IYO ETHIOPIA OO GUUL KUSOO DHAMAADAY.

Waxaa Maanta Lasoo Afmeeray wada Hadaladii Labada Garab oo tan iyo Darraad kasocday Magaaalada Nairobi.

Labada Garab ayaa Dhammaan Isku Afgartay qodobadii oogu Mihiim sanaa ee Goobta Lagu Gorfeeyay.

Waxaana Laga wada Hadlay Arimaha Hoos Ku xusan.

1: Awood qaybsi .

2: Afti.

3: dib u Dajin.

4: mustqablaka Ururka.

5: maxaabiista

Qodobka Koobaad ee awood qaybsiga ONLF waxay Dalbatay In wasiiro Lasiiyo Ergada Ethiopiana waxay Tidhi Masuuliyiintaan Ku la laabanaynaa.

2: aftida ONLF waxay Cod satay in wakhti Loo Cayimo Aftida Waxaana Lagu qanciyay in Habka Dastuuriga ah Loo Maro ONLF na Dastuurka way qaadatay Mana Jirto Illaa Hadda Muddo Loo cayimay Aftida laakiin sida uu Dastuurku qabo Aftida waa Laqaadi Karaa.

3: waxaa La isla qaaday In Dib u Dajin Loo sameeyo Dadka Ka Baxay waddanka Ee Wadamada Kale u Yaahamay .

4:Mustqbalka Ururku waxa uu Noqonayaa Urur Siyaasi ah Oo Xaq u Yeelanaya Wax kaste oo uu Urur Siyaasi ah leeyahay.

Oogu Danbayn waxaa la isku Soo Noqon Doonaa Kulan Danbe oo anaan Mudiisa Helin xilliga La qabanayo Kulankaas Kadib ayaa qalinka lagu Duugi doonaa Heshiiska.

5: sidaynta Maxaa biista waa la isku wada waafaqay.

Fiiro Gaar ah: waxaa Jiro qodobo ay ONLF tu tashi kula Noqonayso Masuuliyiinteeda.

Hadduu wax Dheeraad ah Soo Kordho waan idin Lasoo socod siin.

By Abdirashid Dhanaane

Cabdulaahi Dhagaf Nuur Ugaas Cabdiraxiim Daacad Daacad Mohamed Faahiye

Comments are closed