Addis Ababa (estvlive) 14/02/2018
Dowladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay.
Bekele Gebraoo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dowladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen dibaxbaxyo ka dhacay gobolka Oromada.
Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Bekele iyo 7 kale oo mucaarad ah la siidaayay.
Bekele ayaa xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.
Wuxuu yiri “Waxaa naloo soodaayay sababo ay ugu wacan tahay cadaadiska dadka ka imanaya oo sii kordhaya. Taasi ayaana ugu weyn in nala soo daawo. Dowladdu ma doonayso inay na dhageysato oo badanaa ma rumaysna halganka nabadda ah, waayo iyadu waxay xukunka ku timid halgan hubeysan kaas oo kaliya ayayna taqaanaa. Waligeed ma aqbalin halgan nabadgelyo ah”
Dhinaca kale, waxaa socda cafis guud oo dowladdu ay u fidisay dadka ka soo horjeeda,
Comments are closed