MD Cabdi “Waxaan kula dardaarmayaa Jaaliyadda DDSI ee dalka Kenya iney kaalin ka qaataan horumarka dowladnimo”

Nairobi (estvlive) 14/02/2018 

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Wafdi uu hogaamin ayaa la kulmay maanta  Jaaliyadda DDSI ee ku nool dalka Kenya

Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb-galay safiirka Itoobiya ee dalka Kenya,  Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha DDSI iyo jaaliyadda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamud Cumar, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha DDSI uu uga mahadceliyay Dowladda Kenya sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Md. Cabdi, ayaa kula dardaarmay dhamaan jaaliyadda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya iney kaalin ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.

Waxaan idin soo gudbin doonaa muqaalka Soo dhaweynta kulanka jaaliyadda ddsi iyo madaxweyne Cabdi

Comments are closed