Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn oo goor dhaw is casilay

Addis Ababa (estvlive) 15/02/2018

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii uu hayay iska casilay ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

Iscasilaada ra’iisal waaaraha ayaa imaneysa iyadoo dalka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon ay wadaan Qowmiyada Oromada.

Warkan oo dhowr daqiiqo uun ka hor soo baxay faah faahintiisa dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa.

Comments are closed