Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 qof maalmihii u dambeeyey
Ololeeyayaasha Suuriya ayaa ku tilmaamay dagaalkan kii ugu ba’naa ee dhaca ilaa sanadkii 2013-kii
Dadka duqayntan lagu laayay waxaa ka mid ah caruur tiradooda lagu sheegay konton inay gaarayso
Meleteriga Suuriya kama aysan hadlin duqaymahan dhacaya balse waxay sheegeen inay qaadeen weerar
Dhinaca kale ciidanka Turkiga ayaa gantaalo ku garaacay aagaga ay dagaalka kagala jirraan jabhada Kurdiyiinta.
Afhayeen u hadalu qaramada Midoobay ayaa sheegay in lix isbitaal la duqeeyey maalmihii Isniinta iyo Talaadada
Koox xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegaysa in la dilay 250 qof duqaymaha dhacaya xiligan
Weeraradan xaga cirka ah waxaa lagu beegsaday tobon tuulo oo u dhow bariga magaaladda Ghouta
Qaramada Midoobay waxa ay dalbanaysaa xabadjoojin si gargaarka loo gaarsiiyo dadka loona soo saaro dhaawaca halkaasi yaalla
Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa doonaya in uu duulaankan ku qabsado Ghouta uu noqdi kii ugu dambeeyey.
Comments are closed