Saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen ciidamada Buuraleyda degaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow Puntland ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in muddadii uu howlgalku socday ciidamadu dileen dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana ay gaarsiiyeen dhaawacyo.
Waxaa kaloo ay intaa ku dareen in ay gacanta ku soo dhigeen laba Maxbuus oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Boosaaso.
Hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada PSF-ta Puntland wadaan ayay saraakiishu sheegeen inay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Ururka Al-shabaab ayaa labadii bil ee ugu dambeysay waxa ay kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan Puntland, inkastoo Puntland ay wado Howlgallo falalkaasi looga hortagayo.
Comments are closed