Jigjiga (estvlive)04/03/2018
Waxaa lagu soo gabagabeeyay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 6aad ee golaha xildhibaanada DDSI oo maalmihii ugu dambeeyay u socday golaha xildhibaanada DDSI.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta si faah-faahsan u soo jeediyay warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee 6dii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2010TI taasi oo xooga saarasay guulaha laga gaadhay taabagalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan dhinacyada horumarinta khayraadka biyaha, jidadka iyo boontooyinka deegaanka laga hirgaliyay madaxwaynaha ayaa sharax dheerka bixiyay qorshayaasha ay xooga saartay xukuumada DDSI ee ku salaysan kor u qaadista nolosha bulshada deegaanka oo ay noloshoodu intooda badan ku tiirsan tahay khayraadka xoolaha deegaanka islamarkaana xukuumada DDSI qorshaheeda ugu muhiimsan ka dhigatay horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii bilood ee ugu dambeeyay 66.7% lana gaadhsiiyay 73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday 64.5% lana gaadhsiiyay 70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday 66.7% lana gaadhsiiyay 73.6% sidoo kalena laga hirgaliyay deegaanka biligii ugu dambeeyay mashaariico waawayn oo ah dhinaca horumarinta khayraadka biyaha dhinaca kale waxa uu madaxwaynaha DDSI ka warbixiyay in xukuumada DDSI ay ku guulaysatay in deegaanku maanta isu furmay dhanka isusocodka 100% islamarkaana laga hirgaliyay buundooyin tayo leh oo dhaxalgal ah.
Dhinaca kale waxaa maalintii shalay golaha xildhibaanada DDSI ka doodeen islamarkaana cod buuxa ku ansaxiyeen Bayaanka waxkabadalka, Bayaanka dib u aas-aasida kuliyada maaraynta adeega shacabka DDSI ugu dambayntii kalfadhigan 6aad ee golaha 5aad ee golaha xildhibaanada DDSI oo muddo 4 maalmood ah socday ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Comments are closed