Muqdisho (estvlive) 04/03/2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Washington uga qeyb galo shir looga hadlayo dalalka soo koraya ee Soomaaliya ay ku jirto ee sanadkaan 2018-ka.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya sidii loo horumarin lahaa Kaabayeyaasha Dhaqaallaha, Caafimaadka iyo waxbarashadda dalalka soo koraya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa shirkaan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlaayo horumaradda ay sameysay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-ka iyo sidoo kale hiigsiga 2018-ka.
Waxaa uu sidoo kale mid mid ula kulmi doonaa Madaxda Shirkaasi ka qeyb gali doonto, isagoona ka hadli doonaa xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka Caalamka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya, iyo sidoo kale dalalka Saboollka ah ee taageerada u baahan .
Sanadkaan waxaa Shirka soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka oo doonaaya in maalgalin ballaaran lagu sameeyay dalalka soo koraya.
Waxaa la filaya in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.
Comments are closed