Wardheer (estvlive) 04/05/2018
Waftigii balaadhnaa ee ay hogaaminaysay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wehelinayeen xildhibaano iyo wasiiro heer deegaan ayaa markii ay gaadheen xarunta gobolka dollo waxaa si diiran oo heer sare ah usoo dhaweeyay shacabka degmada wardheer ee xarunta gobolka dollo.
Hadaba waftigan ay hogaaminayso madaxwayne kuxigeenka ayaa waxay booqdeen islamarkaana soo kormeereen mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay magaalada wardheer iyagoo ku horeeyay kuliyada xirfadaha iyo farsamada magaalada wardheer islamarkaana usii dhaafay dhismayaasha qorshihii xukuumada ee barnaamijka BBC iyo sida loo hirgaliyay.
Waxayna waftiga ay hogaaminayso madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska hor/ beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa soo dhawayn iyo indhayn kadib waxay kulan balaadhan la yeesheen shacabka ku dhaqan magaalada wardheer oo sheegtay in socdaalkani yahay mid aan kula tashanayno shacabka, mdaxawayne kuxgeenka ayaana xustay in degmada wardheer laga hirgaliyay mashaariico horumarineed oo uu kamid yahay Hospitalka wayn, kuliyada iyo ceelasha biyaha, waxayna carbka ku adkaysay in maanta degmada wardheer iyo guud ahaanba deegaanka uu ka hana qaaday horumar iyo nabadgalyo la taaban karo islamarkaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo qorshayaasha horumarineed ee uu ugu horeeyo baahida biyaha, madaxwayne kuxgeenka ayaana intaa ku dartay inaan isku filnaanshaheenii soo ceshano islamarkaana ku foorarsano dhulkeena oo aan ku da’daalno tabaca waxsoosaarka beeraha si magaalada wardheer iyo nawaaxigeedu ugu baahanin wax dibada la keeno.
Dhanka kale waxaa isana ka hadlay wasiirka xafiiska shaqalaha iyo arrimaha bulshada mudane Cabdiwali Maxamed Faarax oo tilmaamay in deegaanku soo maray xaalad nabadgalyo daro iyo mdi horumarin la’aaneed islamarkaana maanta laga bogsadey nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii loona baahan yahay in shacabku sii adkeeyaan nabadgalyada iyo horumarka ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah shacabka degmada wardheer oo sheegay inay sii xoojinayaan islamarkaana garab istaagayaan horumarka iyo nabadgalyada ka hirgalay guud ahaanba deegaanka gaar’ahaan gobolka dollo, waxayna intaa ku dareen inay bogaadiyeen kuna diirsadeen sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumada iyo xisbigu uga jawaabayaan baahida bulshada.
Comments are closed