Saaxiibada ssomaaliya ee beesha caalamka ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin isku dhacyada hubaysan ee maalmahan ka socday deegaanada tukaraq ee gobolka Sool kuwaas oo ka u dhaxeeya cidamada puntland iyo Somaliland, waxayna ku baaqeen in la sameeyo xabad joojin deg deg ah.
Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamku ay codsadeen in la sameeyo wada hadalo dhex mara beesha taliyayaasha ciidamada goobta ku sugan, sidoo kalena looga baahan yahay xaqiijiinta gaarsiinta gargaar biniaadanimo oo la wado dadka ku barakacay dagaaladaas,sidoo kale waxay sheegeen in loo baahan yahay in ay ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.
Saaxiibada caalamku waxay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar – isku-dhacyadu waxay keliya uga sii darayaan dhibaatada haysata dadka ku nool deegaanka.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda
Comments are closed