Itoobiya oo xabsiga ka deeyneeysa siyaasi heysta dhalashada Ingiriiska
Addisababa (estvlive) 27/05/2018
Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay xoriyadiisa siisay siyaasi Itoobiyaan ah oo heysta dhalashada Ingiriiska kaa oo sanadii 2014 laga soo qabtay dalka Yemen ayadoo loo cuskanayay sharciga argagixisada ee u yaal dalkaasi.
Andargachew Tsige ayaa ahaa xoghyaha guud ee ururkii mucaaradka ahaa ee Ginbot 7, kaasoo dowladda Itoobiya ay u aqoonsatay urur argagixiso kadib markii lagu eedeeyay in uu ahaa urur gacan saar la leh Ereteria.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Andargachew iyo ilaa 600 oo qof oo kale oo xabsiga ku jiray lasii deyn doono.
Dowladda Ingiriiska ayaa marar badan isku dayday in ay ninkan xoriyadiisa dib ugu soo celisso intii uu xabsiga ku jiray.
Raysul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilka qabtay bishii April ee sanadkan ayaa sii daayay kumannaan maxbuus ah oo ay ku jireen siyaasiyiin sar-sare iyo Wariyeyaal.
Comments are closed