Wararkii ugu danbeeyay khilaafka maamul gobolleedka Galmudug

Galmudug (estvlive) 28/05/2018

Magaalooyin Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb oo ay kala fadhiyaan mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, iyaga oo ka jawaabaya baaqa guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah uu halkaa shir uga furmo xildhibaannada Galmudug oo ka arinsanaya khilaafka soo kala dhaxgalay maamulka.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Suna in la baal maray, iyagoo ka soo horjeeda awoodihii maamulkaas oo hal dhinac galay.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo isku dhac ayaa ku adkeysnay in heshiiskaasi waafaqsan yahay wada hadalladii Jabuuti ee markii danbe lagu dhameystiray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa eedeymo la xiriira inay faragelineyso arrimaha Galmudug oo muddo 8 bilood kaddib uu dib u soo cusboonaaday khilaafkii ka dhex taagnaa madaxda maamulkaas.

Comments are closed