Trump oo dagaal ganacsi ka dhex qarxiyey Maraykanka iyo Xulafadiisa EU

Mareykanka (estvlive) 01/06/2018

Dalalka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inay si adag uga jawaabi doonaan canshuuraha iyo tariifada cusub ee uu Trump kusoo rogay ganacsigooda maalgashiga ku sameeyey wadanka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khamiistii shalay sheegay in la balaarin doono canshuuraha cusub ee uu Maraykanka kusoo rogay badeecada la keeno dalkaasi, isagoo sheegay in la kordhin doono Tariifada la saari jiray ganacsiga ay shirkadaha laga leeyahay EU-da iyo Canada keenaan wadanka Maraykanka.

Xulafada Maraykanka oo horey uga digay qorshaha Trump uu doonayo ayaa sheegay inay jawaab adag ka bixin doonaan, dalalka EU-da iyo labada dal ee Maraykanka jaarka la ah ee Canada & Mexico ayaa iyaguna sheegay in canshuur dheeraad ah iyo Tariifo culus dul dhigi doonaan shirkadaha Maraykanka ee dalalkooda u iib keena.

Xoghayaha Maaliyada Maraykanka, Steven Mnuchin ayaa go’aankan ka shaaciyey shalay shirka dalalka G7 uga socday dalka Canada, wadamadaasi oo dhamaantood kasoo horjeestay qorshaha Maraykanka.

Go’aanka Trump ayaa waxaa sidoo kale ka horyimid oo cambareeyey in badan oo kamid xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga oo sheegay in tilaabadan ay abuuri karto khal khal ku yimaada ganacsiga dunnida iyo dagaal dhaqaale oo ka dhex curta Maraykanka iyo xulafadiisa.

Donald Trump ayaa xiligii doorashada ku jiray sheegay in siyaasadiisa ay noqon doonto mid ku saleysan danta Maraykanka oo kaliya (America First), Taariifada uu dul dhigay alaabta dalalka kale u iib keenaan Maraykanka ayaa meesha ka saareysay heshiisyadii horey u dhexmaray Maraykanka iyo dalalka kale ee caalamka gaar ahaan Wadamada EU-da oo uu ka dhaxeeyo ganacsi xoogan.

Comments are closed