Baydhabo (estvlive) 04/06/2018
Madaxweynaha Somaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shirka furay, waxaana kulamo uu la yeelanayaa Guddiyada farsamo ee shirka iyo Madaxda.
Arrinta sida gaarka isha loogu haayo ayaa la sheegayaa in ay tahay madaxda ka qeyb galaysa shirka oo xilligan khilaaf siyaasadeed u la dhexeeyo, gaar ahaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhawaan eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Comments are closed