Mozambique (estvlive) 06/06/2018
Koox la baxday Al Shabaab oo ku sugan dalka Mozambique ayaa markii labaad xasuuq ka geysatay waqooyiga dalkaasi oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay ka wadeen weeraro ka dhan ah ciidamada Dowlada.
Ugu yaraan 7 qof ayaa la sheegay in kooxdan Faas iyo mindiyo ku dishay Salaasadii shalay kadib markii ay weerareen tuulo ku taal waqooyiga wadankaasi, kooxdan ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwii 27kii May qoorta ka jaray dad gaaraya 10 ruux.
Kooxdan oo aan wax xariir ah lalahayn kooxda Al Shabaabta Soomaaliya, ayaa la sheegay inay u badan yihiin dhalinyarada kasoo jeeda dhulka waqooyiga Mozambique oo dhawaan laga helay Gaas ay dowlada dooneyso inay soo saarto.
Ciidamada Amaanka Mozambique ayaa kadib weerarkii 27kii May xir xiray Masaajido badan oo ku yaal waqooyiga dalkaasi gaar ahaan dhulka xaduuda laleh wadanka ay jaarka yihiin ee Tanzania, waxayna hawlgaladaasi ku xir xireen 300 qof oo ay ku jiraan dad u dhashay dalka Tanzania.
Waqooyiga dalka Mozambique ayaa kamid ah dhulka saboolka ah ee wadankaasi oo aysan gaarin horumarinta dalkaasi kasocotay 20kii sano ee lasoo dhaafay, balse dhulkaasi ayaa dhawaan laga helay Gaas badan oo ay dowlada dooneyso inay soo saarato, arrintaasi oo soo dadajisay kacdoono ay sameenayaan dhalinyarada dhulkaasi ku dhaqan oo aan ku qanacsaneyn qorshaha dowlada.
Comments are closed