Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo ka hadashay isku dhacyada ciidamada.

Muqdisho (estvlive) 06/06/2018

Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa waxaa mudooyinka danbe ka dhacayaydagaalo kala duwan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya, maxkamada ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa  war ay soo saartay waxaa ay digniin ka soo saaray isku dhacyada soo noqnoqda, waxayna maxkamadu sheegtay in aan loo dulqaadan doonin.

Gaashanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Darajawada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxa uu sheegay in looga baahan yahay hay’adaha baarista  ka shaqeeya in sida ugu dhakhsiyaha badan ay kusoo gudbiyaan dadka masuulka ka ah isku dhacyada ciidamada ee ay markasta waxyeeladu kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Gudoomiye Shuute waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan habkii lagula xisaabtami lahaa cid walba oo ku lug yeelata isku dhacyadaas , isla markaana looga qaadi lahaa talaabo sharciga waaafaqsan.

Dhawr jeer oo kala duwan ayaaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday in ay isku dhacaan ciidamo kala duwan oo ka wada tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya , isku dhacaas ayaa sababa khasaare nafeed oo inta badan soo gaara dadka shacabka ah ee ka agdhaw goobaha ay dagaaladu ka dhacayaan

Comments are closed