Hargeysa (estvlive) 15/06/2018
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadda ciidul fidriga awgeed cafis u fidiyey maxaabiis fara badan, kuwaasi oo gaarayey 511 isla markaana u xirnaa dambiyo fudud kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Xabsiyada Maamulka Somaliland ayaa waxaa ku jira kumanaan maxaabiis ah, kuwaasi oo dambiyo kale duwan u xiran.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland ee cafiska loogu fidiyey maxaabiista ayaa waxay u qornayd sidan:-
Wareegto Madaxweyne Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;
Markaan Tixgaliyey: In Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman, Munaasibaadda Ciidal Fidrida
awgeed ee sannadka 1439 ee Hijriyda, kuna beegan 2018;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis buuxa u fidiyo Maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus.
Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dambiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista
Comments are closed