Hargeysa (estvlive) 22/06/2018
Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa dacwad ka dhan ah xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating loo gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres , madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Keating ku eedeyay in uu usoo diray 10june warqad xaqiiqda ka fog oo hal dhinac u xaglinaysa oo ku saabsan xaalada Tukaraq.
Sidoo kale Madaxweyne Muuse biixi waxa uu warqada dacwada ah ee uu gudbiyay Guterres ku sheegay in aysan ku farxsanayn warqada uu Keating usoo diray, horayna ay u aqbaleen 3 qodob oo uu soo hordhigay Dhinacyada isku haya tukaraq, arimaha la xiriira colaadaasna ay mawqifkooda u gudbiyeen 14 bishii may ee lasoo dhaafay oo Keating uu booqasho ku yimi magaalada Hargaysa, sidoo kale waxaa warqada laagu codsaday in xiriirka u dhaxeeya qaramada midoobay iyo Somaliland lasii adkeeyo.
Warqadii Keating U soo diray madaxweyanah Somaliland.
Comments are closed