Muqdisho (estvlive) 22/06/2018
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisha.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanb in horumar buuxa laga gaaray koboca dhaqaalaha dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.
Comments are closed