Ra’iisal wasaare Kheyre oo shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeen ka tirsan xukuumadda

Muqdisho (estvlive) 17/10/2018

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Max’ed Khaliif Diiriye,

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la ogey-siiyay wasiirka iyo Wasiiru dowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dambeysay kadib soo jeedin ka timid xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Xafiis-yada xeer ilaalinta iyo hanti-dhawrka ayaa ayaa horay u sheegay in aysan jirin doonin cid loo cafinayo arrimaha la xiriira musuqmaasuqa.

Comments are closed