Ganacsatada Wajaale oo ka qayliyey cashuur lagu soo rogay dadka dhinaca Itoobiya ka yimaadda

Wajaale (estvlive) 18/10/2018

Ganacsatada Tog-wajaale ee dhinaca Somaliland ayaa ka qayliyey cashuur la sheegay in wasaaradda Maaliyada Somaliland ku soo rogayso qof kasta oo ka soo gudba dhinaca Itoobiya ee soo galla Wajaale in laga qaado sodon dollar.

Ganacsatadan ayaa sheegay in go’aankaasi uu xidhayo suuqi weynaa ee Wajaale ee shacabka Itoobiya wax ka iibsan jireen, waxaanay xukuumadda ugu baaqay in aanay talaabadaasi ku dhaqaaqin maadaama oo dadka wax ka iibsadaa aanay awoodi Karin inay lacagtaasi cashuurta ah ee lagu soo rogay bixiyaan.

Sidoo kale, waxay sheegeen in qofkii Paasaboor sita uun lacag laga qaado balse dadka sita Mustawaqe ama Kaadhka Itoobiya lagu dhex socdo aanay suurogal ahayn in lacagtaasi laga qaado.

“Waxaa la sheegay in maaliyaddu soo kordhisay cashuur laga qaado qof kasta oo ka Wajaale ka soo galay dhinaca Itoobiya kaasi oo laga qaadayo sodon dollar, arrintaasi waxay xidhaysa suuqa wajaale, waxa kale oo la sheegayaa in xadka Wajaale lagu xidhayo Taar oo dadka lagu kala qaybinayo, waxaanu usoo jeedinayna wasiirka Maaliyadda isku socodka dadka aan cidhiidhi la galin, dadkuna iskama bixin karaan cashuurtaasi badan”sidaas waxa yidhi Axmed Maxamed oo degan Wajaale.

Ganacsatadan Wajaale ayaa walaac weyn ka qaba cashuurtaasi dawladdu doonayso inay dadka xadka ka soo talaabaya ee Mustawaqaha sita laga qaado, waxanay ku doodayaan in dadkaasi magaalada Wajaale aanay dhaafin oo markay wax iibsadaan markiiba noqdaan.

Waxa kale oo ay sheegeen in dadka reer Jigjiga boqolkiiba sideetan laga musruufo dibada, isla markaana lacagta loo soo diro Wajaale ka sariftaan taas oo faa’iido ka helaan reer Wajaale, sidaas darteed hadii lacagtaasi lagu soo rogo uu yaraanayo dhaqdhaqaaqa suuqa Wajaale oo baryahan dambe sare u kacay,isla markaana intii maamulkii Cabdi Maxamuud cumar meesha ka baxay dadweynuhu aad iskugu socdaan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaan wali ka hadal dhowaaqa shacabka reer Wajaale,haseyeeshee waxaanu isku dayey in aanu arrintaasi wax ka waydiino balse nooma suurogalin.

Comments are closed