Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Kismaayo (estvlive) 27/10/2018

Dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa magaalada Kismaayo maanta ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo maleeshiyo beelleed.

Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo uu ka mid yahay Oday dhaqameed ayaa ku dhintay dagaalka oo bartamaha magaalada leysku adeegsaday madaafiic iyo hubka darandooriga u dhaca oo laga maqlay dhawaqooda deegaanno ka baxsan magaalada.

Dagaalkan ayaa imanaya kaddib amar ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ka mamnuucay magaalada lagu dhaxqaato hub sharci darro ah, laakiin arintaan waxaa ka horyimid qaar ka mid ah beelaha dega magaalada oo sheegay in ay hubka u heystaan sababo nabad-galyo.

Sidoo kale dagaalkan ayaa imanaya xili madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka soo laabtay magaalada Garoowe oo ay shir ku yeesheen madaxda dowlad gobolleedayda oo qodobada kulankooda leysku afgartay uu ka mid ahaa qodob dhigaya in dowlad gobolleedyadu sameystaan ciidamo u gaar ah.

Dagaalka maanta ka dhacay Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada.

Comments are closed