Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 26/10/2018

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeybgalayaan ergo ka kala socta ilaa 15 sal oo dunida muslimka ah.

Ergada shirka ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray saakay ilaa shalay, waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Soomaaliya, waxaana lagu go’aasaday qabsoomida shirkan kulankii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh,Kulanka ayaa diirada lagu saarayaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Comments are closed