Madaxweynaha Turkiga oo toos dilkii Jamaal Khaashuqi ugu eedeeyay madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga

Turkiga (estvlive) 03/11/2018

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxaa uu Boqortooyada Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Erdogan ayaa yiri “Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga,” waxa uu ku qoray maqaal ku soo baxay wargeyska the Washington Post.

Balse isaga oo xeerinaya xiriirka saaxiibtinimo ee Turkiga kala dhaxeeya Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

Khaashuqji ayaa waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Wali meydkiisa meelna laguma sheego, iyadoo Yasin Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay in uu rumaysan yahay in maydka ninkaasi lagu baabi’iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.

Dilka oo markii hore ay qariyeen mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.

Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha dalka Sucuudi Carabiya.

“Waannu ognahay in dadka ka dambeeyay dilka ay ka tirsan yihiin 18-ka qof ee laga shakisan yahay ee lagu hayo gudaha dalka Sucuudi Carabiya,” ayuu ku qoray wargeyska the Washington Post, halkaas oo ah warbaahintii uu Khaashuqji wax ku qori jiray.

“Waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan. Ugu dambayntii, waxaannu ognahay in amarka dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga.”

Isagoo qoray in dilka weriyaha aanay ka qeyb qaadan askar oo kaliya ah ee ay jiraan dad kale oo badan ayuu Madaxweyne Erdogan waxa uu ku baaqay in “dadkii ka dambeeyay dilkii Khaashuqji” bannaanka la soo dhigo.

“Waa in aanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka xulafada Nato,” ayuu yiri. “Haddii cid un ay digniintaas iska dhegatirto, waxa ay wajihi doontaa cawaaqib xumo baahsan.”

Waxa uu ka cowday in aanan wax tallaaba ah laga qaadin qunsulka guud ee Sucuudiga, kaas oo Turkiga isaga tagay, waxa uuna dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ku eedeeyay in uu ku guuldarraystay inuu la shaqeeyo dambi baarayaasha “isagoon weliba ka jawaabin su’aalo iska fudud”.

Caalamka ayaa wali cadaadis baahsan ku hayay Boqortooyada Sacuudiga oo lagu eedeynayo in ay si bareer ah u dishay Khashoggi oo ahaa wariye caan ah oo dhaliila Boqortooyada Sacuudiga.

Xigasho BBC

Comments are closed