Cabdi Maxamuud Cumar oo Berri Maxkamad Mar kale la hor geynayo

Addisababa (estvlive) 08/11/2018

Ayadoo maanta ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar BBCda soo gaaray waxay sheegayaan in isla maanta ay la amray in berrito maxkamad la hor geeyo.

Wararkan ku saabsan in berri oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa BBC u xaqiijiyey ilo madax banaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii goor ee hore.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go’aanka ah inay qaadato ama diiddo go’aanka maxkamaddan Cabdi la horgeyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.

xigasho bbc

Comments are closed