Madaxweyne Farmaajo oo kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha Amniga Qaranka.

Muqdisho (estvlive) 11/11/2018

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safarkii uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha Amniga Qaranka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

Kulanka ayaa waxaa kasoo muuqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Saree Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, sidoo kale waxaan la cadayn Karin in uu goob joog ahaa iyo in kale taliye ku xigeenka hay’ada NISA ahna sii hayaha taliyaha NISA Fahad Yaasiin,.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa saddex qarax lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintey inku dhow konton ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, Qaraxan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa eek a dhaca Muqdisho tan iyo qaraxii Zobbe oo sababay dhimasho ka badan 500 00 qof.

 

Comments are closed