Xuska sanadguuradii 100aad ee dagaalkii 1aad ee Dunnida oo ka dhacay Paris, France

Paris (estvlive) 11/11/2018

In ka badan 70 hogaamiye caalamka ka kala yimid ayaa maanta oo Axad ah ka qeyb galay xuska 100aad ee kasoo wareegtay xiligii lagu dhawaaqay xabad joojintii dagaalkii 1aad ee dunnida.

Dagaalkii 1aad ee dunnida oo dhacay intii u dhaxeysay 1914 illaa 1918 ayaa si rasmi ah u joogsaday 11kii November 1918, waxaana xuskan taariikhiga ah maanta lagu qabtay Taalada caanka ah ee ku taal bartamaha magaalada Paris.

Dagaalkaasi oo xoogiisa ka dhacay qaarada Yurub gaar ahaan France ayey ku dhinteen dad gaaraya 20 milyan oo qof oo ay ku jiraan 10 milyan askar ah, waxaana ka dhashay cuduro badan oo ay malaayiin shacab ah ku dhinteen, wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horeeyey oo la isu adeegsaday hubka kimilka iyo sunta gaaska oo markii danbe caalamka laga mamnuucay.

Marka laga yimaado khasaaraha malaayiintii dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa sidoo kale saameyn weyn u ku reebay caalamka, wuxuuna ahaa dagaalkii burburiyey khilaafadii Cusmaaniyiinta oo iyagu la xulafo ahaa Germany oo dagaalka kula jirtay Isbaheysigii ay hogaaminayeen Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka oo ay guusha raacday.

Wuxuuna dagaalkan horudhac u ahaa kala qeybintii dhulkii Cusmaaniyiinta ka talin jireen ee Islaamka gaar ahaan dalalka Carabta oo xiligaasi galay gacanta gumeystayaashii Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaana kamid ahaa dhulka Falastiin oo ay la wareegeen Ingiriiska oo markii danbe ku wareejiyey kacdoonkii Yahuuda ee Zionist movement kuwaasi oo doonayey dhismaha maamul Yahuuda u gaar ah ee Israel.

Comments are closed