Qarax goor dhaw lala eegtay gaariga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Muqdiaho (estvlive) 20/11/2018

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaariga xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw ka dhacay ilinka hore ee hotelka Maka Al-Mukarama.

Xildhibaanka oo markii uu qaraxa dhacay kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga uu qarxay wax yar uun kaddib markii uu ka degay, waxaana la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray darawalkii waday.

Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa markiiba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo daqiiqado kooban xiray waddada, hasse ahaatee waxaa la sheegay in khasaare intaa dhaafsiisan uusan ka dhalan qaraxa.

Inta badan  mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu bartilmaameedsadaa qaraxyo nooca gaadiidka lagu rakibo ah, inta badanna mas’uuliyada weerarrada noocan ah waxaa sheegta Ururka Al-shabaab.

Comments are closed