Muuse Biixi : Waxaan ballan ku qaadnay in aannu wadal la gali doonin Soomaaliya ilaa ay ogolaadaan madax-bannaanideenna

Hargeysa (estvlive) 21/11/2018

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliland ayaa wacad ku maray in aysan wada hadal la gali doonin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ku sugnaa magaalada Burco ayaa isaga oo la hadlayay qaar ka mid ah shacabka magaalada waxaa uu si carro leh uga hadlay arinta wada hadallada Soomaaliya.

 “Ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhisay baan ku taagannahay, waxaana dooneynaa ineynu wadahadal iyo nabad ku kala baxno laakiin inamada maanta Xamar ka talinaya wey la noqon weyday ” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wada hadallada labada dhinac oo marxalado kala duwan soo maray ayaa hakad ku jiray in muddo ahba, dhowr jeer oo hore-na waxaa jiray balanqaadyo la xiriiray in dib loo bilaabi doono wada hadallada.

Laakiin hadalka madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa u muuqda mid quus ka sii dhigay \a rajadii laga qaba in la sii wado wada hadallada labada dhinac.

“Madaxweynuhu hadalka uu sheegay sidaas ayuu ku saxan yahay, waxaana kuu caddeyneynaa xukuumad ahaan in dowladda Farmaajo ay shaqo ka dhigatay iney maalin walba si bareer ah u xaasiddo guulaha iyo horumarka Soomaaliland. Annaguna haddaan nahay xukuumadda Soomaaliland waan joojinay wadahadalkoodi, mana aqbaleyno in aan hadal lasii wadno nin maalin walba ku mashquulsan dib u dhaceenna” sidaa waxaa BBCda u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Soomaaliland ayaa dhinacooda ku gacan sayrtay iskaashiga madaxda gobolka, waxaana uu afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland sheegay in arintan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhankooda’’”Annagu waxaan nahay Jamhuuriyadda Soomaaliland, dalkeennu wuxuu ku yaallaa geeska Afrika, waxaana ka mid nahay waddamada ku yaalla gobolka oo ay Jabuuti ku jirto. Madaxweyneyaasha kulmay iyo midnimada ay ka hadlayeen waa wax danohooda ah oo iyaga ka dhexeeya annaguna waxaan kala mid nahay dalalka kale ee gobolka”.

Wada hadalka labada dhinac ayaa soo bilaaw-day dowladda KMG aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, waxaan ay wada hadalladan sii socdeen ilaa dowladdii uu madaxda ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud, laakiin wada hadalladu ayaa hakad ku jiray tan markii ay tallada la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Comments are closed