Itoobiya oo gabadh u dooratay guddoomiyaha guddiga doorashada

Addisababa (estvlive) 22/11/2018

Gabadh dibad joog ah oo horay garsoore u soo noqotay mucaaradka magaca lehna ka mid ah ayaa loo xushay in ay hoggaamiso guddiga doorashada qaran ee dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa noqnaysa darajo kale oo heer sare ah oo dawladdu ay siisay qof dumar ah.

Birtukan Mideska ayaa bishan horraanteedii uun ku laabatay dalka Itoobiya ka dib markii ay toddoba sano dibad joog ku hayd dalka Maraykanka.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay magacaabidda Birtukan Mideska.

Birtukan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib doorashadii aadka loogu loolamay ee sannadkii 2005tii.

Garsoorahan hore ayaase hadda dusha kala socon doonta doorasha guud ee dalka Itoobiya ka dhici doonta bisha May ee 2020.

Caqabadda ugu wayn ee ay wajahayso waa in ay hagaajiso sumcadda guddiga doorashada oo si joogto ah loogu eedeeyo in dawladdu ay farogaliso guddiga.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa isbadallo ballaaran la yimid kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu la heshiiyay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, in uu siidaayay maxaabiistii siyaasadda iyo in uu soo dhaweeyay mucaaradkii hubaysnaa ee dibad joogga ahaa.
Xigasho: BBC

Comments are closed