Deegaanka Banashaangul-gumz Xaaladiisa Nabadgaliyo Sii Cakirmayso (Warbixin)

B-Gumz (estvlive) 23/11/2018

Deegaanka Banashaangul-gumz ooy xaaladiisa nabadgaliyo sii cakirmayso. Degmada Iyaasu ayaa dablay aan lagaranaynin kudileen 37 ruux habeenimadii jumcuhu soogalayay. Daldka lalaayay ayaa intooda badan ay kasoojeedaan qowmiyada Oromada.

Xukuumada Banishaangulka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha deegaanka mudane Ashamile Hasan, ayaa ku eedeeyay dhibaatooyinkan colaadeed inay masuul kayihiin jabhadaa ONAG ee oromia wuxuuna sheegay inay 7 degmo oo kamida deegaankooda ay ilaa muddoba go’doon kujiraan wax daawo iyo cuno ah oo ugalaana ayna jirin maadaama ay jirdkii loomarayay xidheen UNAG iyo Qeero da oromiya arintaasuu sheegay inay xukuumada deegaanka oromia kala xaajoonayaan hada.

Waxaase eedayntaas ku gacansaydhay iskana fogeeyay gudoomiyaha ururka UNAG Mr. Daa’uud Ibssa wuxuuna sheegay inayna jabhadiisu wax dano siyaasadeed ah ooy kaleedahay deegaankaas uuna jiray ciidankiisuna ka dhex dhaq-dhaqaaqik gudaha iyo xuduuda labada deegaan toona. Idaacada VOA da qaybteeda af-axmaariga ayaa labada dhinacba laxidhiidhay ooy uwarameen.

Xaaladii ardayda jaamacada Assosa ee deegaanka Banishaangul-gumuz ka ayaan wali dib u bilaabin waxbarashadii siday rabshadu ugadhacday maalinta dhowayd.

Wasiirka technology ga iyo tacliinta sare marwo Dr. Hirut Waldemarum ayaa sheegtay inii lagu gudajiro dajinta iyo heshiisiinta ardaydii ku dagaalantay jaamacada Assosa xaaladuna dagantahay imika.

Madaxwaynaha deegaanka Amxaarada Mr. Gedu Indargachew, oo warbaahinta dalka siinayay warsaxaafadeed kusaabsan ilaalinta amniga ardayda jaamacadaha kaladuduwan ee dalka waxkabarta, ayaa sheegay inay tahay wax aan loo dulqaadankarin dilka qorshaysan ee lagu bar-tilmaameedsanayo ardayda jaamacadaha.

Gedu ayaa dawlada fadaraalka kacodsaday inay talaabo sharci ah kaqaadp kooxaha lawada yaqaano ee hadh iyo habeenba ku hawlan sidii ay u fashilin lahaayeen una minjaxaabin lahaayeen isbadalkan socda qorshaha koobaadna uqaatay jaamacadaha inay ka abuuraan iskudhacyo ardaydada dhexdeeda ah oo waji qowmiyadeed ah una qaybinaya calag, hub iyo fariimo been abuur ah.

 

By: Shafici Dahir Muse

Comments are closed