Madaxweyne Farmaajo “ Dalalka Geeska Africa waxaan barey-naa habka loo ganacsado

Muqdsiho (estvlive) 23/11/2018

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyay danta Soomaaliya uga jirta isbaheysiga ka socda d Geeska Africa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn oo Soomaaliya isbaheysiga la leedahay tahay in leys tixgaliyo oo aan lagu xadgudbin sida uu hadalka u dhigay Qarannimada iyo madax-bannaannida Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in madaxweynuhu in uu jiro doonin xiriir ganacsi oo ballaaran oo ay yeeshaan guud ahaanba dalalka Geeska Africa, isaga oo intaa ku daray in Soomaaliya uga horeyso dalalka Itoobiya iyo Eritrea habka loo ganacsado.

‘’Annaga hadda ciidamo ayeey noo tababaraan dalalka dariska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Uganda, laakiin annaga hadda dalalkaas waxaan u tababareynaa habka loo ganacsado, waayo Soomaaliya waxa kaliya oo ay hadda ku faani karto waa ganacsiga oo ay aad ugu horeyso’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ka soo horjeeda isbadallada ka socda Geeska Africa yihiin kuwo diidan sida uu hadalka u yiri hormarka Soomaaliya.

Comments are closed