1-Qof dhimasho Hogaanka Nabadgalyada Jigjiga Xabsiga la dhigay Rabshada ka Dhashay

Jigjiga (estvlive) 25/11/2018

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in rabshado ka dhaceen shaleyto taaso ay salka ku hayso hogaanka nabadgalyada magaaada jigjiga Mudane Xaaji Mataan oo xabsiga loo taxaabay kadib markii uu u gacan qaaday askari ka tirsan liyuu booliska oo ahaa darajadiisa Shaalaqe.

Rabashadahan shaleyto ka dhacay magaalada jigjiga ayaa sababay dhimasho taasoo booliska magaalada jigjiga oo xabado kor u ridaya ayaa waxey ku dhacday Muwaadin ka soo jeeda degmada Jigjiga oo lagu magacaabo Rabiic Nuur Cumar oo halkaasi ku geeriyooday.

Ugu dambeyntii, Qurbajoogta Gobolka Faafan ee Waqooyiga America ayaa baaq u direen Madaxweynaha deegaanka Somalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar in uu talaabo ka qaado waxeyna codsadeen in dhalinyarada u dhalatay Gobolka Faafan saami qeybsiga gobolka aysan ka dhaxmuuqanin

Comments are closed