Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka oo geeriyooday

Mareykanka (estvlive) 01/12/2018

Madaxweynihii 41 aad ee dalka Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooda da’da 94 sano.

Busha ayaa geeriyooday saacadu markey aheyd 22:10 waqtiga Mareykanka Jimcihii oo ku beegan (04:10 GMT Sabtidii Maanta) sida ay sheegeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Waxaa uu dalka Mareykanka madaxweyne ka soo ahaa intii u dhaxeysa sanadkii 1983 – 1993dii waxaana mas’uul ka tirsan Mareykanku sheegeen in siweyn looga xumaaday geeridiisa.

Bush ayaa siyaasada  soo galay sannadkii 1964 ka dib markii uu bilaabay ganacsiga  saliida ee Texan  ,isaga oo 40 sano jir ah ayuu Noqday taajir.

Comments are closed