Hogaaminta sare ee Xisbiga barwaaqo ayuu tababar uga furmay magaalada adaama

Adaama (NogobNews) 25/01/2020

Kuxigeenka madaxa Xafiiska golaha Xisbiga barwaaqo mudane Meles alemu ayaa warmurtiyeed uu soo saaray kucadeeyey in Hogaaminta sare ee xisbiga barwaaqo ilaa 2da bisha yekaatit ee 2012 tababar lagu siinayo madasha shirarka ee Gelma abaagedha ee magaalada adaama.
Waxaana furitaankii tababarka saaka kasoo qaybgalay R/wasaaraha JDFI Dr Abiy Axmed .

ujeedada tababarkan ayaa lasheegay inay tahay sidii heerarka kaladuwan ee Hogaaminta xisbiga barwaaqo fahan looga siin lahaa hadafka iyo himilada xisbiga PP.
Mudane meles alemu ayaa sheegay in tababarkan lagu qiimayn doono guulaha isbadalada guud ee wadanka laga keenay, talaabooyinka ilaa hadda la qaaday, dhibaatooyinka la saadaalinayo ee mustaqbalka iyo midnimada hogaaminta xisbiga.

Sidookale masuulka ayaa sheegay tababarkan lagu dhisayo awooda fulineed ee ay hogaamintu uleeyihiin kajawaabida isbadalka uu shacabka dalku doonayo
.
Qodobada looga doodayo Waxaa kamid ah Fagaarahan, saraynta sharciga, horumarinta bulshada, kajawaabida su’aalaha horumarinta dhaqaalaha iyo dejinta jihooyinka mustaqbalka dhoow ee xisbiga iyo dawlada.

Hogaaminta sare ee xisbiga ayaa si qoto dheer uga wadahadli doona Afkaarta barwaaqada, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo hadafka siyaasadeed ee xisbiga barwaaqo.
Tababarkan oo muddo 17 cisho ah soconaya ayaa waxaa kaqayb galaya in kabadan 2 kun oo shaqsi oo hogaaminta sare ee xisbiga barwaaqo kamid ah.

Ugu dambayntiina Kuxigeenka madaxa xafiiska golaha xisbiga PP Meles Alemu ayaa cadeeyey in tababarkan magaalada adaama uu yahay tababarkii u horeeyay ee hogaaminta sare ee Xisbiga PP ay galaan tan iyo intii uu xisbigu jabhadnimada uga guuray, xisbi qaran oo loo dhan yahay

Comments are closed