Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dowladda Turkiga uga tacsiyeeyay dhul gariirkii ku dhuftay dalkooda

Muqdisho (NogobNews) 25/01/2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre ayaa dowladda  Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyneku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabkaSoomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhulgariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, in ka badan1,015 kalena way ku dhaawacmeen dhul giriirka oo jimcihii xalay ku dhuftaybariga Turkiga, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Dhul gariirka oo cabirkiisu ahaa 6.8-magnitude,ayaa dhacay saacadu markay ahayd 8.55 p.m. waqtiga maxalliga ah.

Comments are closed