Ethiopia oo ku dhawaaqday tilaabooyin cusub oo looga hortagayo cudurka coronavirus

Addisababa (NogobNews) 07/02/2020

Machadka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya (EPHI) ayaa ku dhawaaqay talaabooyin dheeri ah oo looga hortagayo inuu ku faafo cudurka coronavirus gudaha Ethiopia.

Tilaabooyinkaan ayaa ah in la karantiilo dhammaan rakaabka ka soo degaya Madaarka Caalamiga ah ee Bole oo ka soo ambabaxaya magaalada Wuhan ee dalka shiinaha, halkaas oo xuddun u ah cudurka coronavirus.

11 ka mid ah kiisaska looga shakisan yahay ee dhiiggooda loo diray Koonfur Afrika si baaritaan dheeri ah loo sameeyo, ayaa siddeed kiis lagu tijaabiyey inaan laga helin fayraska, sida uu sheegay madaxa Machadka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaanka, machadku wuxuu sugayaa natiijooyinka saddexda qaybood ee dhiig ee haray.

Tirada dhimashada fayraska waxay maraysaa ugu yaraan 638 illaa fiidnimadii khamiista.

Comments are closed