Wasiir Maareeye ” Ciidamada aynu geynay Gedo waa militari u taagan difaaca dalka

Muqdisho (NogobNews) 07/02/2020

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo maalmihii ugu danbeeyayba ay ku sii daabuleysay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada la geeyay qeybo ka mid ah gobolka Gedo yihiin sida uu hadalka u dhigay ciidamo militari ah oo u taagan difaaca dalka.

”Sharcigu sida uu qorayo difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah Dowladda Dhexe ee Soomaaliya  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee hadda dhismay mas’uulkana ka ah difaaca dalka wixii hadda ka danbeeya shaqadooda ayeey qabsanayaan, gobollada kale ee dalkana weyn tagayaan difaaca dalkana iyaga ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Wasiirka.

Maamul gobolleedka Jubbaland oo ka arimiya gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay  Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay dagaal ku soo qaaday gobolka Gedo islamarkaana ay ka abuurtay colaad beeleedyo.

Wasiir Maareeya  ma uusan bixin faah faahin dhaafsiisan in ciidamada gobolka la geeyay u taagan yihiin difaaca dalka, hasse ahaatee bilihii ugu danbeeyayba waxaa muuqanayay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo maamul gobolleedka Jubbaland oo dhankooda dowladda u jeedinayay eedeymo xiriir ah

Comments are closed